U bood dhigaalka

Furitaanka Kala Fadhigii 7-aad Ee Baarlamaanka Oo Dib Uga Dhacay 21-ka Bishaan

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa shaaca ka qaaday in dib u dhac uu ku yimid waqtigii loo madalsanaa in la furo kalafadhiga 7-aad ee Baarlamaanka, kaas oo markii hore loo asteeyay 21-ka bishan ee October.

“Dhammaan Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa la ogeysiinayaa in Furitaanka Kalfadhiga 7aad ee Golaha Shacabka oo ku qorsheysnaa 21ka Oktoober 2015 dib loo dhigay 25-ka Oktoobar 2015 si loo dhammeystiro howlaha la xiriira diyaarinta ajendayaasha Kalfadhiga”- ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

“Waxaa laga codsanayaa in Xildhiibaannada dhammantood ay dalka soo galaan diyaarna u noqdaan xil-gudashada uga beegan Kalfadhiga 7aad ee Golaha Shacabka, sidoo kale Xubnaha Guddiga Joogtada ee Golaha ayaguna iney ugu dambeyn dalka soo galaan 23ka Oktoobar 2015”- ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Afhayeenka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”.

Golaha Baarlamaanka hadda jira oo ah madasha 9aad ee Baarlamaan ay Soomaaliya yeelato ayaa mudada xil gudashadiisa waxaa hada uga haray laba Kalfadhi oo kala ah Kalfadhiyada 7aad iyo 8aad waxaana labadaasi Kalfadhi laga doonayaa iney qabtaan howlo badan oo ay ugu muhiim san tahay iney ku diyaariyaan Baarlamaankii ayaga bedelli lahaa.

Goobjoog News