U bood dhigaalka

G/sare Khaliif Idiris “Laamaha Amniga Wey Ka Gaabiyeen Wax Ka Qabashada Amniga Mudisho:

Sheeko:Amniga

Sarkaal hore oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in laamaha amniga ay ka gaabiyeen wax ka qabshada nabadgalyada caasimadda ee Muqdisho.

Gaashaanle sare  Khaliif idiris Cismaan ayaa xusay in dhowr qarax oo dad badani ay ku dhinteen ay ka dhaceen magaalada Muqdisho, welina ay soconayaan.

Ciidamada ammaanka ayuu sheegay in waajib ka saaran yahay iney ka hortagaan qaraxyada bedalkii la is difaaci lahaa markii ay qaraxyo dhacaan.

Shalay, waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay Saddex qarax oo sababay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News