U bood dhigaalka

G20: Ka Bixitaanka Britain Ee Midawga Yurub Waxa Uu Qatar Ku Yahay Koritaanka Dhaqaalaha Caalamka

Sheeko:Dalka

Ka bixitaanka Britain ee midowga yurub ayaa qatar ku ah koritaanka dhaqaalaha caalamka ayuu yiri madaxa maaliyadda wadamada la isku yiraahdo G20 isagoo wacad ku maray in ay isticmaali doonaan habab siyaasadeysan oo sare loogu qaadi karo dhaqaalaha.

Natiijadii ka soo baxday codeyntii loo qaaday ka bixitaanka ingiriiska ee midowga yurub ayaa kordhisey walaaca laga qabo hoos u dhac ku yimaada dhaqaalaha caalamka ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay kulankii ay Chengdu ku yeesheen madaxda bankiyada dhexe iyo wasiirada wadamada G20.

Laakiin waxa ay adkeeyeen in wadamada G20 ay u taagan yihiin in ay wax ka qaban doonaan cawaaqibka dhaqaale iyo kan maaliyadeed ee ka dhalan kara codeyntaas, waxa ayna intaa raaciyeen in ay rajaynayaan in ay arkaan Britain oo lamaane dhow la ah midowga Yurub.

Iyadoo la eegayo horumaradii soo bidhaamayey dhawaanahan, waxaan ku celinaynaa ballanqaadkeenii ahaa in aan isticmaali doono habab siyaasadeysan si Siyaasadda lacagta iyo mid maaliyadeed loo gaaro isla markaana la helo hadafka ah koritaan xoog leh oo waara iskuna dheeli tiran ayaa lagu sheegey war murtiyeedka.

Laakiin waxaa loogu baaqay kuwa ka saaray dhaqaalaha barwaaqada ah in ay keenaan “Koboc dhaqaale oo buuxa”.

Jarmalka ayaa ka caga jiidaya in ay aqbalaan isticmaalka qarashka dowladda si loo kordhiyo kobaca dhaqaale, maxaayeelay wax ay u arkaan mid aan wax tar u lahayn.

“ waxa ay noqon doontaa qalad in lagu fekero doorashada hannaanka sida iyadoo midkood ama marka ay timaado dib u habaynta dhismaha ama isticmaalka hab maaliyadeed” ayuu yiri Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka Yacquub Lew

Marka laga tago aftida Britain ee ka bixitaanka midowga yurub, wadamada G20 ayaa xusay in ay jiri doonaan caqabado kale oo saamayn doona dhaqaalaha caalamiga ah ee deegaanka waxaana ka mid ah caqabadahaas khilaafka mandiqadda, argagixisada iyo qulqulka qaxootiga.

Ka qeyb galayaasha ayaa sheegay in kulanka muhiimaddiisa ay ahayd walaaca uu dhaliyey ka bixitaanka ingiriiska ee midowga yurub

Wasiirka maaliyadda Britain Philip Hammond ayaa u sheegay suxufiyiinta mawduucan in uu la yimid “heshiis weyn”.

“Xaqiiqda waxa ay tahay in ay jiri doonaan qiyaas aan la hubin oo sare u qaadi karta in la gabagabeeyo wadahadalada aan la leenahay EU-da,” ayuu yiri.

Mid ka mida shaqaalaha IMF ayaa yiri “Ka bixitaanka Britain ee midowga yurub ayaa saameyn muuqata ku yeelan doonta koritaanka dhaqaalaha” isagoo intaa ku daray in ay soo bixi karaan natiijooyin badan oo kala duwan.

Saraakiil ku sugan Chengdu ayaa sheegaya in wadahadalada u dhexeeya midowga yurub iyo britain ay sii kordhin karaan khatarta.

Xoghayaha maaliyadda Mareykanka Yacquub Lew ayaa ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo wada-xaajoodka Britain iyo midowga yurub in uu u dhaco hab siman, hufan oo waaqici ah.

“ Xiriir heer sare ah oo isku dhafan una dhaxeeya UK iyo Midowga Yurub waa danaha ugu wanaagsan ee Yurub, Maraykanka iyo dhaqaalaha caalamiga ah,” ayuu u sheegay suxufiyiinta ka dib kulanka Xoghayaha maaliyadda Mareykanka Yacquub Lew.

Tifaftiray Bashiir Maxamuud

Goobjoog News