U bood dhigaalka

Gaadiidka AMISOM Oo In Ka Badan 5 Rayid Ah Ku Dilay Duleedka Muqdisho

Sheeko:Dalka, War

Inta la xaqiijiyey 5 qof oo rayid ah ayaa dhimatay tirada 10 ka badanna waa ku dhaawacaney  kadib markii gaari AMISOM ay leedahay uu dul-maray gaari caasi(MINI Bus) oo ay dadweyne saarnaayeen.

Dhacdada ayaa ka dhacada Calamada oo ah deegaan ku yaallo duleedka magaalada Muqdisho dhanka Afgooye.

Goobjoogayaal ayaa Goobjoog News u sheegey in ay waxyeello soo gaartey dhammaan dadkii saarnaa gaarigaas, oo ay isugu jiraa dhimasho iyo dhaawac

Ciidamada AMISOM ee falkaas geystay ayaa la sheegayaa in ay socodka sii waateen.

AMISOM waxaa ay si joogta ah u jiirtaa gaadiidka rayidka ah, sanad walba waxaa ay waddooyinka ku dishaa dad rayid ah oo aad u tiro badan, mana jirto cid arrintaas kala xisaabtanto.

Goobjoog News