U bood dhigaalka

Gaadiid Dagaal oo usoo Degey Maamulka Jubbaland (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Gaadiid dagaal oo ay ka midyihiin kuwa gaashaaman, Cabdi Bileyaal iyo waliba gaadiidka waaweyn ee askarta lagu daabulo ayaa maanta u dagay maamulka Jubbaland.

Saanadani ayaa waxa ay ka timid dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta, waxaana guddoomey madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam , madaxweyne ku xigeenka Cabdullaahi Fartaag , iyada oo sidoo kale uu goobjoog ahaa wasiiru dowlaha gaashaandhigga Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegey in uu saanadani ay Soomaaliya ka saacideyso in ay yeelato ciidamo ku filan in ay sugaan amniga, kana maarmaan ciidamada shisheeye.

“Waxaan rajaynayaa in haddii la dhiso ciidamada Soomaaliyeed in ay yaraan doonto baahida loo qabo ciidamada AMISOM” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Gaadiidka ayaa isugu jirey 5 ka mid ah gaadiidka qafilan ee aysan rasaastu karin, 18 Cabdi Billeyaal ah, 8 gaadiidka waaweyn ee ciidamada lagu daabulo iyo waliba 4 gaadiidka gargaarka degdega ah ee ambalaasta.

Waa markii ugu horeysey oo hub noocan ah uu u dego Jubbaland.

Goobjoog News

 

24

 

 

 

 

22 21 20 19 18 17 16 15 14 13 12 11