U bood dhigaalka

Gaadiid Rakaab Iyo Xamuul Isugu Jira Oo Lagu Rasaaseeyay Magaalada Mandheera

Sheeko:Dalka

Rag Hubeysan ayaa la sheegayaa in ay weerar ku qaadeen Laba gaari oo shacab ah, kuwaasi oo marayay duleedka magaalada Mandheera ee gobalka NFD.

Laba qof ayaa weerarkaasi ku geeriyootay sidoo kalena waxaa dhaawacmay Seddax kale, sida ay xaqiijiyeen warbaahinta dalka Kenya.

Raggaan ayaa la sheegay in marka hore ay istaajiyeen gaadiidka, islamarkaana dadka ay feel geliyeen iyaga oo su’aallo weydiinayay, badina ay dadka sii daayeen.

Gaariga Labaad ayaa isna la xaqiijiyay inuu ahaa mid xamuul ah kaasi oo Hal ruux ay ku dileen.

Dadka dhintay waxaa la sheegay inuu ku jiray askari Kenyan ah, kaasi oo dhar shacab xirnaa.

Saraakiil u hadashay maamulka Mandheera waxay sheegeen in weerarkaasi ay u maleynayaan inay ka dambeeyaan Xarakada Al-shabaab, balse weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan.

Goobjoog News