U bood dhigaalka

Gaadiid Xamuul Ah Oo Ku Xanniban Duleedka Degmada Cadaado

Sheeko:Dalka

Ku dhawaad 10 Gaari oo nooca xamuulka ah ayaa ku xanniban duleedka degmada Cadaado, kadib markii la sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ay ku amreen gaadiidkaasi inay lacago bixiyaan.

Darwallada wadey gaadiidkan qaarkood ayaa Goobjoog News u sheegay in laga doonayo lacag dhan 100 doolar iyaguna aanay awoodin.

Waxay tilmaameen in halkaasi ay ku xiran yihiin ku dhowaad 5 cisho, isla markaana aanay jirin cid wax u qabata.

Warar kale oo madax-bannaan ayaa waxay sheegayaan in ciidamadani ay gaadiidka ka dalbadeen lacag dhan 50 doolar oo horey looga qaadi jiray, balse ay darwalladan ka madax-adaygeen.

Gaadiidkan xanniban ayaa dhammaantood wada agab Bagaash u badan, waxaana ay ku wajahan yihiin degmada Cadaado.

Maamulka Galmudug weli kama aanu hadal arrintaan, dhowr jeer oo horena arrintani waa ay soo noqnoqotay.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada