U bood dhigaalka

Gaadiidka Cirka Iyo Dhulka Oo La Mamnuucey Maalinta Doorashada

Sheeko:Dalka

Dowladda Soomaaliya oo hawada oo maanta dhaqangelisey gadiidka dhulka ayaa arbacada ku darey gaadiidka hawada iyo iney aaney diyaarad soo deign, kicinna, sida uu sheegey wasiirka gaadiidka.

Wasiirka ayaa Xusay in iyadoo la fulinayo Amar kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari la joojiyay dhaqdhaqaaqii garoonka Aadan Cadde si la mid ah sida loo hakiyay isu socodkii gaadiidka magaalada Muqdisho dhexdeeda ahaa.

“Waxaan ku wargalineynaa Shirkadaha Duulimaadyada in maalinta Arbacada la hakiyay duulimaadyadii Garoonka Aadan Cadde, waxaa la xirayay hawada Muqdisho, waana amar ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, waxayna arrintan ku egtahay Maalinta Arbacada oo kaliya” ayuu yiri Mudane Jengali.

Dowladda Federaalka ah ayaa shaqo ka dhigatey in ay xirto waddooyinka iyo garoonka marka ay cabsi jirto, iyaddoo ku guuldareystay sugidda ammaanka magaalada iyo dadka.

Goobjoog News