U bood dhigaalka

Gaadiidka Xamuulka iyo Kan Dhagaxa Daabula oo Laga Mabnuucey Wadada Maka Al Mukarama

Sheeko:Dalka

Talista ciidamada nabadgalyada waddooyinka ee Banaadir ayaa mabnuucey in gaadiidka xamuulka iyo kuwa dhagaxa qaada ay maraan ama isticmaalaan wadada mashquulka badan ee Maka Al Mukarama kadib markii ay bateen shilalka dhacay.

Taliyaha ciidamada Jeneraal Cali Xirsi Barre oo hadlay ayaa sheegey in labadii bil ee lasoo dhaafay ay dhaceen 126 shil, kuwaasi oo ay ku dhinteen 5 qof, halka 237 gaadiid uu burbur soo gaaray.

“Shil guud ayaa dhacay, 126, dhimashada waxa ay ahayd shan qof, dhaawac culus 13 qof, dhaawac fudud 49 qof, qasaaraha guud ee gaadiidka waa 237, gaadiidka booliska sideed shil ayay galeen, gaadiidka xoogga dalka  ma jirin shilal ay galeen, kuwa Asluubta sidoo kale shil ma gelin, kuwa Nabad sugidda afar shil ayay galeen, gaadiidka AMISOM labo shil ayay galeen, mootinka caadi ah 12 shil, kuwa bajaajka 46 shil ayay gashay, gaari dameer labo shil, gaari gacan ma jirin wax shil ah” ayuu yiri Taliyaha.

Wadada Makka ayaa ah tan ugu muhiimsan magaalada Muqdisho oo ay isticmaalaan mas’uuliyiinta dowladda, kana furanyihiin ganacsiyada ugu badan.

Goobjoog News