U bood dhigaalka

Gaadiidka Xamuulka Qaada Oo Laga Mamnuucay Inay Isticmaalaan Wadada Makka Al-mukarrama Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Taliyaha ciidamada ilaalada wadooyinka Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) iyo afhayeenka wasaaradda amniga gudaha Maxamed Yuusuf oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in gaadiidka qaada xamuulka laga mamnuucay wadada Makka Al-mukarrama.

Taliye Cali Gaab ayaa sheegay in gaadiidkaasi ay caqabad badan ku yihiin isku socodka gaadiidka kale iyo dadweynaha wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho, isaga oo uga digay darawalada gaadiidka waaweyn ee xamuulka qaada in amarkaasi ay jabiyaan.

“Waddada ka billaabata Jamaal Cabdinaasir ee aada KM4 waxaa ka mamnuuc ah in ay maraan gadiidka xamuulka qaada sida biraha, dhagaxyada, iyo wixii la mid ah” ayuu yiri Cali Gaab.

Dhinaca kale afhayeenka wasaaradda amniga Maxamed Yuusuf oo isna dhankiisa sheegay in darawalada gaadiidka xamuulka ay amarka qaataan, isaga oo tilmaamay in tani shacabka iyo darwalada dan muhiim ah ugu jirto.

Maxamed Yuusuf ayaa ugu baaqay ciidamada ammaanka in arrintaasi ay kala shaqeeyaan ciidamada ilaalada wadooyinka, si uu u dhaqan galo ammarkaasi.

Wada Makka Almukarrma ayaa ah wadada ugu mashquulka badan ee magaalada Muqdisho, ka sokoow gaadiidka xamuulka ah, waxaa wadadaasi ay tahay midda kaliya ay sida aadka u isticmaalaan gaadiidka dadweynaha kuwa dowladda.

Goobjoog News