U bood dhigaalka

Gaadiidleyda Muqdisho: Canshuur Bixiyeyaal Aan Loo Adeegin!

Sheeko:Dalka

Gaadiidleyda Muqdisho oo si joogta ah u bixiyo canshuurta lagu waajibiyey, ayaa hadana waxa ay yihiin kuwo aan helin adeegyadii ay dowladda uga baahnaayeen, gaar ahaan dowladda hoose ee Xamar.

Waxaa jira waddooyin badan oo ka xiran gaadiidkan iyo sidoo kale kuwo burbur-san, oo aan xitaa xil la iska saarin in dayactir lagu sameeyo.

Darawallada kaxeeya Mooto bajaajta qaarkood ayaa warbaahinta u sheegay in xilligan ay cabasho xooggan ka yihiin wadada isku xirta Dabka iyo degmada Xamar Jajab, taasi oo burbur xooggan uu ka muuqdo.

Waxay sheegeen in ay la yaab tahay iyaga oo bixinaya canshuurta hadane aanay helin adeegyadii loo baahnaa oo ay ugu horreyso dhismaha waddooyinka burbursan.

“Annaga waan bixinnaa canshuurta, hase ahaatee ma helno bedalkeeda, wadada isku xirta Dabka iyo Buundo Koowaad boholo ayaa ka qodan, xitaa maamulka degmada ama kan gobolka wey garan la yihiin iney naga dhisaan, waxaa intaas ka daran waddooyinka oo dhagxaan ku xiran, shaqadeenna oo aan u socon sidii hore, balse waxaan nahay canshuur bixiyeyaal aan loo adeegin” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah darawallada kaxeeya Mooto Bajaajta.

Kaliya ma ahan dadka canshuurta bixiya gaadiidleyda ee sidoo kale dowladda waxay canshuur ka qaaddaa guryaha iyo xarumaha ganacsiga, si la mid ahna ma helaan bedalkii looga baahnaa dowladda federaalka.

Goobjoog News