U bood dhigaalka

Gaadiidley Shaqo La’aan Ka Cabanaya Sababo La Xiriira Roobka Deyrta

Sheeko:Dalka

Gadiidleyda Qaar  Gobalka shabeellada Hoose ayaa shegay in mudo saddex maalin ah shaqa la’aan ay yihiin kadib roobabkii ugu danbeyay ee ka da’ay gobalkaasi

Wadooyinkii ay isticmaali jireen ayey shegeen in aanan loo isticmaali Karin dhiiqo iyo biyo ka dhashay roobabka xiliga deyrta ee halkaasi ka da’ay.

Gaadiidleyda waxaa ay sidoo kale sheegayaan in waxaa kaliya oo sameyn roobabku aysan ku yeelan wadada laamiga ah ee aada dhanka Marka oo gaadiidleyda shabeellada hoose ay shegayaan in sababo amaan aysan u isticmaali Karin.

Mid ka mida darawaleyda ka shaqeysa  gobolka shabeelada hoose oo la hadlay Goobjoog News ayaa waxa uu ka warbixinaya  saameynta ay ku yeesheen roobabka da’ay

“ wax bixi karo ma jiraan wadada waa dhiiqo muddo saddex maalin ah wax shaqo ah majiraan wadada laamiga ahna ma isticmaali karno sababo ammni darro awgeed”

Inta badan roobabka deyrta  oo ka curtahy Soomaaliya ayaa waxay saameyn ballaaran ay ku yeesheen  dadka baarbuuleyda ah ku waas oo aan awood u laheyn iney maraan wadooyinka taasoo sabab u ah biyo fariistay.