U bood dhigaalka

Gaadiidleyda Galmudug Oo Ka Cabanaya Isbaarooyin Lacago Looga Qaado

Sheeko:Dalka

Gaadiidleyda isticmaasha wadada laamiga ah ee isku xirta Gelinsoor iyo Bandiiradley oo ka kala tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa cabasho ka ah isbaarooyin xad dhaaf ah oo wadadaasi ay soo dhigteen maleeshiyaad hubeysan.

Maxamuud Axmed oo ka mid ah wadayaasha gaadiidka ee wadadan isticmaasha ayaa sheegay iney jiraan dhibaatooyin xooggan oo kasoo gaartay wadadan, islamarkaana mararka qaar rasaas lagu furo gaadiidka ay sababaan dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale, Maxamuud ayaa sheegay in ay mararka qaar dhac kala kulmaan maleeshiyaadka isbaarooyinkaan u taallla.

“Dhibaato  badan ayaa la kulannaa, meel u go’an oo ay fariistan malahan, laakiinse si kedis ah ayeey meel kaaga soo baxayaan, lacag ayeey kaa qaadanayaan, ama dhac ayeey kuu geysanayaan, sidoo kale mararka qaar rasaas ayeey nagu furaan oo waxyeello soo gaarsiisa dadka rakaabka ah” ayuu yiri Maxamuud Axmed.

Ugu dambeyn, Maxamuud ayaa ka dalbaday maamulka Galmudug in ay si degdeg ah wax uga qabtaan falalkaan amni darri.

Goobjoog News