U bood dhigaalka

Gaadiidleyda Gobalka Shabellaha Hoose Oo Weli Cabasho Ka Ah Isbaarooyinka Yaalla Gobalkaasi

Sheeko:Dalka

Waxaa sii kordhaya cabashada ay qabaan gaadiidleyda gobalka Shabellaha Hoose, taasi oo ku aadan Isbaarooyinka yaalla deegaanno badan oo gobalkaasi ka mid ah.

Cabashada ugu daran ayaa hadda waxay gaadiidleydani ka qabaan wadada isku xirta degmada Afgooye iyo magaalada Marka ee gobalkaasi, halkaa oo ay sheegeen in ay yaallaan Isbaarooyin xad dhaaf ah.

Waxay sheegeen in wadadaasi ay ayaallaan ku dhowaad 10 isbaaro oo looga qaado lacago baad ah.

Jimcaale Xasan Maxamed oo ka mid ah gaadiidleydaasi ayaa inoo sheegay in Seddaxdii maalin ee ugu dambeysay ay hakad geliyeen shaqadii ay dhanka Marka ku aadi jireen.

“Dhibaatada markii ay nagu badatay, waxaan weynay xalkii sidaa darteed waxaan hakinay shaqadii Seddax maalin, laakiin wax soo hagaagay uma jeedno” ayuu yiri Jimcaale.

Cabashada ay qabaan gaadiidleyda gobalka Shabellaha hoose aad ayeey usii korortay maalinba maalinta ka dambeysa, mana jirto illaa iyo iminka cid wax ka qabatay cabashadooda.

Goobjoog News