U bood dhigaalka

Gaadiidleyda Ka Shaqeysa Inta u Dhaxeysa Muqdisho Iyo Baydhaba Oo Weli Cabasho Ah

Sheeko:Dalka

Waxaa isa soo taraya cabashada ay qabaan qaar ka mid ah darawalada gaadiidka isaga kala goosha magaalooyinka Baydhaba iyo Muqdisho, taasi oo ku aadan Isbaarooyin badan oo wadooyinka Shabellaha Hoose lasoo dhigay.

Qaar ka mid ah Darawalladaan ayaa u sheegay Goobjoog News, in weli ay yaallaan gobalka Shabellaha Hoose isbaarooyin xad dhaaf ah, sidoo kalena ay aad uga xunyihiin in weli aan waxba laga qaban cabashadooda.

Midka mid ah darawaladaan oo sababo amni u qariyay magaciisa ayaa u sheegay Goobjoog News, in marka hore ay ku haminayeen in wax laga qabto cabashadooda, balse markii ay cabasho gudbiyeen ka dib ayba isbaaradii kasii dartay.

Waxa uu mar kale ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed in wax laga qabto Isbaarooyinkaan xad dhaafka ah ee yaalla gobalka Shabellaha Hoose, islamarkaana lagu waxyeeleeyo Darawallada gaadiidka iyo sidoo kale dadka rakaabka ah.

Gudoomiyaha gobalka Shabellaha Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa dhawaan waxa uu sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay billaabi doonaan howlgal ballaaran oo lagula dagaallamayo Isbaarada.

Goobjoog News