U bood dhigaalka

Gaalkacyo: Amniga Gobolka Mudug Oo Laga Shiray

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobolka Mudug ee Galmudug ayaa qabtay kulan ballaaran oo looga hadlayey amniga guud ee gobolkaasi.

Kulankaan oo ahaa mid ay kasoo qeybgaleen Odayaal dhaqameed iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Gaalkacyo , waxaana shir guddoominayey guddoomiyaha Mudug ee Galmudug C/rashiid Xaashi Cartan.

Kulankaan ayaa ahaa mid albaabada u xiran waxaa looga arrinsanayey amniga Mudug gaar ahaan shaqaaqo dhawaan ka dhacday bariga gobolkaasi.

Yaasiin Maxamed Gaani oo ah Afhayeenka Odayaasha dhaqanka Mudug ayaa halkaasi ka sheegay in loo baahan yahay in mar walbo nabad ku wada noolaadaan shacabka deggan Bariga Gobolka Mudug.

“Waxaa aad u wanaagsan in lagu dadaallo sidii naba loo raadin lahaa nabadda, waxaan sameynay dadaal aad u badan, wax badan baan ka gaarnay in gobolkaan iyo deegaannadooda inay nabad ku wada noolaadaan baa aad u muhiim ah, Mudug Labada maamul ee wada deggan waxaan ugu baaqeynaa in xal nabadeed keenaan, la wada hadlo, wanaag lagu wada hadlo” ayuu yiri Nabadoonka.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug C/rashiid Xaashi Cartan oo isna dhankiisa hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in wax walbo ay ku bixiyaan nabadda waxaana dhinaca Puntland ugu baaqay in iyaguna isha ku hayaan wax walbo oo dadkoodu sameynayaan.

“Bulshada waxaan ugu baaqayaa in ay nabadda ka shaqeeyaan oo ay la dagaallamaan cid walbo oo dhexdooda isku diraysa, annaga dhankeena waan ku dadaaleynaa inay nabad ku noolaadaan, waxaan sidoo kale ku dadaaleynaa in wax walbo ku bixnno nabadda gobolka Mudug, dhanka Puntland iyaguna sidaasi ayaan ka rajeynaynaa” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhawaan dagaallo u dhaxeeyay beello kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug ayaa dagaal waxa uu ku dhexmaray deegaano ku yaalla bariga gobolka Mudug, waxaana halkaasi ka dhashay khasaarer dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Goobjoog News