U bood dhigaalka

Gaalkacyo: Bisha Cas Oo La Eedeeyay

Sheeko:Dalka

Dadka naafada ah ee ku nool magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay ka cabanayaan hay’adda Bisha Cas oo ay sheegeen in ay uga baxday ballamo dhowr ah.

Dadkan ayaa Bisha Cas waxa ay ku war-gelisay in loo sameynayo caawimaad balse looga baxay ballankii, arrintan ayaa waxay dhibaato ku noqotay dad badan oo naafo ah kuwaas oo ka yimid deegaanno fog.

Guddoomiyaha ururka naafada Mudug Cabdullahi Yaasin Colaad ayaa uga waramay Goobjoog News waxa ay ka tabanayaan hay’adda Bisha Cas waxa uuna yiri.

“Muddo ka badan Bil ayaa meeshaan nalku soo celcelinayey, bisha Cas waxa ay yiraahdeen waxaan rabnaa in dadka naafadaha ah aan wax u qabanno, maalmo badan ayey nabalan sheen waa ayna nooga baxeen, muddo ka badan labo isbuuc ayaa dadka la qorayey oo tiradoodu ay gaareyso 300 oo qof”.

Cumar Macallin Xasan oo ka mida naafada waxa uu yiri “Dhowr jeer oo badan ayey naballamiyeen, hadda wax aan heysanno malahan “.

Mid kale waxa uu yiri “Waxaa nabalamiyey Bisha Cas naafadii dhan markii la diyaariyey oo la isku keenay, waxay noogu jawaabeen dad yar ayaa la qaadanaa”.

Dadka naafadaha ah ee ku nool gobolka Mudug ayaa inta badan la kulma dhibaatooyin kala duwan mana jirto cid xil iska saartay wax qabashadooda.

Goobjoog News