U bood dhigaalka

Gaalkacyo: Booliiska Oo Qabtay Rag Kufsaday Gabar 15 Jir Ah

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka Booliiska gobolka Mudug ee Galmudug ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen 5 ruux oo ku eedeysan iney kufsadeen Gabar Soomaaliyeed, waxaana raggaasi lagu xiray xabsiga Gaalkacyo.

Taliyaha qeybta booliiska Mudug Maxamed Nuur Cali ayaa warbaahinta u sheegay in raggan ay kufsadeen gabar da ahaan u dhaxeysa 15 illaa iyo 16 sano.

“Taariikhdu markii ay ahayd 27-ka bisha 4-aad 2017 waxaa ina soo gaaray fal dambiyeed dhacay oo ahaa Kufsi, loona geystay gabar Soomaaliyeed oo jirta 15 illaa iyo 16 sano, waxaana u geystay dambiilayaal ka kooban 5 ruux oo kufsaday kadibna jir dilay, waxaan dabogal dheer ku sammeenay ciddii falkaasi geysatay” ayuu yiri taliyaha.

Taliyaha ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan raggan maxkamadda ku horgeyn doonaan, islamarkaana ay heli doonaan waxa ay cadaaladda ka qabto falka ay geysteen.

Dhanka kale Taliye Maxamed Nuur ayaa uga digay waxgaradka ay kasoo jeedaan raggan in ay wadahadal hoose arrinta ku dhameeyaan maadaama gabar Soomaaliyeed loo geystay dhibaato daran.

Goobjoog News