U bood dhigaalka

Gaalkacyo: Dadkii Barakacay Oo Dib Ugu Laabanaya

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in dadkii shacabka ahaa ay dib ugu laabanayaan magaaladaasi.

Dadkani ayaa dib ugu soo guryo noqotay magaalada Gaalkacyo markii lagu guuleystay in ciidankii difaaca isugu jiray ee magaaladaasi la kala qaaday.

Ciidamada Galmudug iyo Puntland ayaa lagu guuleystay in la kala durjiyo waxaana la soo sheegayaa in weli ciidamada qaarkood ay meel meeshii aanan ka fogeyn ay ku sugan yihiin arrintaasoo cabsi laga muujinayo.

Nabadoon Cali Diiriye Alloore oo kamid ah waxgaradka magaalada Gaalkacyo ayaa u sheegay Goobjoog News in xaaladdu ay ka wanaagsan tahay sidii hore oo dadku ay soo laabanayaan.

Wuxuu sheegay in dhammaan reer Mudug uu ugu baaqayo in ay ka wada shaqeeyaan nabadda islamarkaana ay ka digtoonaadaan wax kasta oo colaad keeni kara.

Maamullada Galmudug iyo Puntland ayuu ugu baaqay in aysan sameynin wax dadka cabsi galinaya isagoo sheegay in dadka shacabka ah meelaha ay u barakaceen ay mid tahay meelo lama degaan ah oo dadku ay xaalado adag ku heystaan.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in qeybo kamid ah ciidamadii looga tegay dooxada Galbeed oo waddo kale ay xirteen ciidanka Puntland arrintaasina ay tahay qalad loona baahan yahay in laga wada shaqeeyo deris wanaagga iyo nabadgalyada Gaalkacyo.

Goobjoog News