U bood dhigaalka

Gaalkacyo: Dhallinyaro Bilowday Qorshe Lagu Badbaadinayo Xoolaha Ku Dhamaanaya Abaaraha

Sheeko:Dalka

Dhallinyarada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa bilaabay qorshe la doonayo in looga hortago xoolaha ku dhammaanaya abaarta ka jirta gobolkaasi.

Injineer Maxamed C/fitaax oo kamid ah dhallinyarada Gaalkacyo, islamarkaana dhowaan dhammeeyey kulliyada beerada ayaa markii ugu horreysay ku guuleystay inuu si tijaabo ah u ku sameeyo mashruuc loogu talogalay in lagu badbaadiyo xoolahaasi.

Hal-abuurka qorshahan ayaa ah in la beero cunto, kadibna la siiyo xoolaha taasi oo ay uga soo kabsan karaan abaartii saameynta ay ku yeelatay.

Injineer Maxamed ayaa sheegay in markii uu arkay dhibaatada ay qabaan xoolaha gobolka Mudug inuu diyaariyey qorsheyaal looga guuri karo in dhulka saxare noqdo ama abaar ay ka dhacdo.

“Hadda waxaan sameynnay waa tijaabo oo kaliya, bal ka waran haddii ay xoolaheen u dhintaan wax aan awoodno inaan sameynno, qorshahan waxaan ugu talogalay in lagu badbaadiyo xoolaha, sidoo kalena looga baxo abaarta lagana fogaado in mar walbo abaar ay dhacdo” ayuu yiri Injineer Maxamed C/fitaax.

Qaar kamid ah bulshadii loo soo bandhigay qorshahay ayaa aad ula dhacay, islaamrkaana sheegay in tani ay ahayd fikrad wanaagsan oo ka maqneyd, sidaasi darteedna ay diyaar u yihiin iney ka qeybqaataan ololahan ay bilaabeen dhallinyaradan.

Goobjoog News