U bood dhigaalka

Gaalkacyo: Dhallinyaro Si Iskood Ah Uga Shaqeeya Nadaafadda Magaalada

Sheeko:Dalka

Dhallinyarada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ayaa xaafadaha magaaladaasi waxay ka bilaabeen qorshe ay dib ugu soo celinayaan bilicda magaaladaasi.

Dhallinyaradan is uruursatay ayaa labaxay Tabarucaad, waxaana ay sheegeen in ay ka shaqeynayaan horumarka deegaankooda.

Waxay tilmaameen dhallinyaradan iney Gaalkacyo ka wadaan shaqo iskaa wax u qabso ah, islamarkaana ay soo dhoweynayaan cid walbo oo ka qeybqaadaneysa bilic usoo celinta Gaalkacyo.

C/laahi Cabdi Nuur, waa guddoomiye ku xigeenka ururka dhallinyarada ee Taburrucaad ayaa u sheegay Goobjoog News, in aanay jirin cid qarash ku siisaya ama ay uga dalbadeen dib usoo celinta bilicda magaalada Gaalkacyo.

“Annaga ma jirto cid na taakuleysa ama cid aan taakuleyn uga dalbannay, waxaan bulshada ugu baaqeynaa iney kaalin ka qaataan dib usoo celinta bilicda deegaanka”

Gaalkacyo ayaa laga dareemayaa xilligan iney dib usoo laabaneyso bilicdii lagu yaqaannay magaaladaasi.

Goobjoog News