U bood dhigaalka

Gaalkacyo: Dhismooyinka Sharci Darrada Oo La Burburinayo

Sheeko:Dalka

Maamulka Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug iyo saraakiisha ammaanka ayaa magaaladaasi ka billaabay hawlgallo lagu burburinayo dhismayaasha sida sharci darrada ah looga dhistay magaaladaasi.

Howlaglkaan oo shalay ka billowday magaaladaasi ayaa la arkayey gaadiidka cagafta ah oo dhulka la simaya dhammaan dhismayaasha sida qaldan waddooyinka looga dhex dhistay.

Duqa magaalada Gaalkacyo ee Galmudug Xirsi Yuusuf Barre oo saxaafadda la hadlay ayaa shacabka ugu baaqay inay ka dheeraadaan in waddooyinka ay dhistaan.

Waxa uu sheegay in la furayo dhammaan waddooyinka, islamarkaana shacabka laga doonayo inhorumada kaalin ka qaataan ciddii u hoggaansami weydana ay sharciga horgeyn doonaan.

Waxaa jira shacab dhaliilay qaabka hadda ay u socoto burburinta dhismayaasha oo ay sheegeen in qaar ka mid ah dhismayaal aan waddo ku jirin la burburiyey.

Goobjoog News