U bood dhigaalka

Gaalkacyo: Furumaha Dagaalka Oo La Kormeerayo

Sheeko:Dalka

Guddiyada maamullada Galmudug iyo Puntland ee loo xil saaray nabadeynta Gaalkacyo ayaa maanta kormeer ku maraya furumaha dagaalka ee galbeedka Gaalkacyo.

Guddiyada oo isku dhaf ah ayaa kormeeraya jiidaha hore ee dagaalka oo ay isku hor fadhiyeen ciidamada Galmudug iyo kuwa Puntland.

Waxaa wararku sheegayaan in guddiyadu xaqiijinayaan xaaladda sida ay tahay iyo kalsoonida lagu qabi karo in si nabad ah magaalada loogu wada noolaado.

Shalay ayay ahayd markii guddiyadani ay kulan ku yeesheen magaalada Gaalkacyo kulankaasoo goobjoog ay ka ahaayeen xubno ka socda beesha caalamka.

Wixii soo kordha dib kala soco

Goobjoog News