U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka, Galmudug, Puntland, Iyo QM Oo Ku Shirsan Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Kulan ayaa hadda ka soconaya magaalada Gaalkacyo kaasoo ay wada leeyihiin madaxweynayaasha maamullada Galmudug, Puntland, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, guddiga nabadda iyo wakiilka Qaramada Madoobe ee Soomaaliya Danjire Keating.

Kulankani ayaa looga hadlayaa sidii loo kala rari lahaa ciidamada labada dhinac ee weli isku horfadhiya goobtii lagu dagaallamay ee duleedka galbeed ee Gaalkacyo.

Wakiilka Qaramada Madoobe ayaa isagu codsanaya in ciidamada la kala qaado si dadka shacabka ah ay u helaan nabad.

Wariyaha Gaalkacyo ee Goobjoog News ayaa soo sheegaya in ay shuruudo maamullada midkood uu ku xiray kala qaadista ciidamada.

Wixii ka soo baxa kulankaasi dib kala soco

Goobjoog News