U bood dhigaalka

Gaalkacyo: Golaha Deegaanka Oo Dooranaya Guddoomiyahooda Iyo Ku Xigeenkiisa

Sheeko:Dalka

Waxaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta magaalada Gaalkacyo ee dhanka Puntland lagu qabto doorashada guddoomiyaha golaha deegaanka iyo sidoo kale ku xigeenka golahaasi.

Guddiga arrintan u xilsaaran ayaa ku wargeliyey 31-ka xubnood ee shalay loo xulay iney noqdaan golaha deegaanka Gaalkacyo in ay maanta doorashadan gelayaan.

Waxaa jira musharraxiin dhowr ah oo u taagan xilka guddoomiyaha golaha deegaanka iyo sidoo kale ku xigeenkiisa.

Sidoo kale, doorashadan waxaa xigi doona doorashada duqa magaalada Gaalkacyo ee Puntland.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News