U bood dhigaalka

Gaalkacyo: Isu Socodka Gaadiidka Oo La Fasaxay

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta dib u furmay isa socodkii magaalada Gaalkacyo labadeeda dhinac oo markii hore kala xirnaa dhowr maalin.

Khilaaf soo kala dhex galay maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa sabab u noqday in suuqa weyn ee Gaalkacyo loo diiday isu socodka, islamarkaana gaadiidka sida badeecadaha ganacsi iyo dadkaba ay ka caaganaadaan.

Dadaallo ay sameeyeen ganacsatada suuqa ee Gaalkacyo ayaa la soo sheegayaa inay ku guuleysteen in dib loo furo waddooyinkii xirnaa ee suuqaasi.

Baabuurta wada shixnadaha kala duwan ee ganacsiga iyo sidoo kale dadka shacabka ah oo muddo ku siman todobaad aan isku gudbi kareynin magaaladaasi.

Arrintani waxaa soo dhoweeyay shacabweynaha Gaalkacyo oo sheegaya inay saameyn ku yeelatay xiritaanka suuqa Gaalkacyo.

Maamullada labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland ayaa sidoo kale ku guuldareystay in isu socodka suuqa la furo, iyadoo guddigii nabadda ee labada dhinac ay qudhooda isku howleen balse aan waxba u suurtagelin.

Xaaladda magaalada Gaalkacyo ayaa ah mid deggan, ganacsiga iyo gaadiidkana waa ay isku gudbayaan maanta Koonfurta iyo Waqooyiga.

Goobjoog News