U bood dhigaalka

Gaalkacyo: Labo Qof Ayaa Dhimatay Kaddib Dagaal U Dhaxeeya Galmudug Iyo Puntland

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in dagaal kooban oo saaka halkaas ka dhacay ay ku dhinteen labo qof labo kalena ay ku dhaawacmeen.

Dagaalka oo u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan Galmudug iyo Puntland ayaa ka dhacay xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo.

Mid kamid ah dadka dhintay ayaa lagu sheegay inuu kamid ahaa bulshada Gaalkacyo waxaana khasaaraha intiisa badan saaka uu gaaray dhinacyadii dagaallamay.

Xaaladda ayaa hadda yara deggan waxaana mararka qaar la maqlayaa rasaas teel teel ah oo labda dhinac ay isku adeegsanayso.

Labada dhinac Galmudug iyo Puntland ayaa weli ka hadlay arrintani cusub ee Gaalkacyo wallow dadka shacabka ah ay aad uga baqdin qabaan dagaal mar kale ka billowda Gaalkacyo.

Shalay ayay ahayd markii uu fashil ku yimaaday shir ay lahaayeen guddiga nabadda labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland kadib markii la isku afgaran waayay in qolo kasta ay ilaaladeeda la gasho goobta shirka.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada