U bood dhigaalka

Gaalkacyo: Maamulka Oo Beeniyey Iney Jirto Xiisad u Dhaxeysa Puntland iyo Galmudug

Sheeko:Dalka

Maamulka magaalada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in ay jirto xiisad dagaal oo ka aloosan Magaaladaasi.

Warar maalmahan dambe la isla dhexmarayey ayaa sheegayay in garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo ay xiisadi ka aloosan tahay kaddib markii Puntland la sheegay inay ballaarin ku bilowday garoonka.

Guddoomiyaha magaalada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre ayaa sheegay in aanu jirin muran ka dhex taagan iyaga iyo Puntland oo garoonka ku aaddan.

“Magaalada xaaladeeda aad bay u wanaagsan tahay, mana jirto wax xiisad ah oo ka taagan magaaladaasi, ammaanka waa mid wanaagsan sida warka loo dhigayna ma ahan, mana jirto Labo maamul oo isku haya magaalada” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhanka kale Guddoomiye Barre ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo in mar walbo ay ilaaliyaan nabadda iyo xasiloonida guud ee magaaladaasi.

Maalmahan dambe waxaa jirtay hadal hayn ah in laga baqayo mar kale in dagaallo ay ka dhacaan Gaalkacyo, sababo la xiriira dib u habeyn lagu sameynayo garoonka diyaaradaha ee degmadaasi.

Goobjoog News