U bood dhigaalka

Gaalkacyo: Maxaabiis Dalbaday In Maxkamad La Horgeeyo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maxaabiis ku xiran xabsiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ka codsaday in maxkamad la soo taago.

Maxaabiistani oo ku xiran saldhigga magaalada Gaalkacyo ayaa warar ay siiyeen Goobjoog ku sheegay in ay ku xiran yihiin sharci darro.

Waxay sheegeen in la soo xiray sanadkii 2015-ka oo illaa hadda ay ku xiran yihiin saldhigga magaalada Gaalkacyo ee Galmudug.

Warar ay Goobjoog heshay ayaa sheegay in xarigga maxaabiistani uu salka ku hayo falal burcadnimo oo lagu qabtay hase yeeshee iyagu waa ay dafireen.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayay ugu baaqeen in uu ka shaqeeyo sidii maxkamad lagu soo taagi lahaa ama looga fasixi lahaa xabsiga oo ay tilmaameen in dhibaatooyin badan ay ku qabaan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News