U bood dhigaalka

Gaalkacyo:- Maxkamad Xukuntay Nin Lagu Eedeeyay Ka Gacsiga Qamriga

Sheeko:Dalka

Maxkamadda Darajada 1-aad degmada Gaalgacyo ee Puntland ayaa maanta la horgeeyay Nin la sheegay in uu ka ganacsan jiray maandooriyaha Qamriga islamarkaana ku dhex iibin jiray waqooyiga magaaladaasi.

Howlgallo ay sameeyeen ciidamada Puntland ayaa waxay ku qabteen ninkaan iyo sidoo kale dad  la sheegay in ay waxyaabaha maanka dooriye ay soo geliyeen Gaalkacyo.

Shaqsigan oo lagu magacaabo Cabdi Yuusuf waxay ku ridday Hal Sano oo xarig ah iyo 3 Milyan Shilin Soomaali oo ganaax ah sida uu ku dhaawaqayo Garsooraha maxkamaddaasi Cabdi Ibraahim C/qaadir.

“Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gaalkacyo waxay u fariisatay xukun ciqaab iyadoona go’aan ka gaartay xukunkaasi, maxkamadda waxaa soo xaadiray Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad, Xeer ilaaliyahagobolka Mudug, waxaana kaalinayey kaaliyaha Maxkamadda Daraja Koowaad, waxay maxkamaddu Hal sano iyo Seddax Malyan oo ganaax ah ku ridday Cabdi Yuusuf oo qirtay eedeyntii lagu soo eedeeyay ee ahayd inuu Qamri soo geliyay dalka, waxaana halkaan ku gubnay Qamrigii” ayuu yiri Garsooraha.

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa maalmihii ugu dambeeya waxay howlgallo ka wadeen waqooyiga Magaalada Gaalkacyo iyaga oo soo qabtay dad badan.

Goobjoog News