U bood dhigaalka

Gaalkacyo Oo Laga Furayo Koobka Kubadda Cagta Ee Galmudug

Sheeko:Dalka

Maanta ayaa lagu wadaa in Magaalada Gaalkacyo uu ka furmo koobka kubadda cagta ee degmooyinka Galmudug.

Mas’uuliyiinta degmooyinka Balanbal, Cadaado iyo Gaalkacyo ayaa sheegay in ciyaarahan ay muujinayaan isdhexgalka bulshada sidoo kalena ay ka qeyb-qaadanayaan nabadda iyo horumarka dalka.

Gaalkacyo ayaa waxaa lagu wadaa in ay gaaraan guddoomiyayaasha degmooyinka Balanbal, Cadaado iyo Caabudwaaq iyaga oo ka qeybgali doona Furitaanka Koobka Kubadda Cagta ee degmooyinka Galmudug oo lagu wado in uu ka furmo Magaaladaasi.

Guddoomiyaha degmada Balanbal Xuseen Liibaan Warsame ayaa sheegay in ay u soo baxeen isaga iyo Wafdigiisa sidii ay uga qeybgali lahaayeen Ciyaaraha ka furmaya Gaalkacyo kuwaasi oo u dhaxeeya degmooyinka deegaannada Maamulka Galmudug.

Koobka Kubadda Cagta Galmudug ayaa waxaa lagu wadaa in ay ka qeybqaataan dhammaan degmooyinka uu ka koobanyahay Maamulka Galmudug waxaa ayna tilmaameen Mas’uuliyiinta Maamulkaasi in ciyaarahan lagu dhiirogalinayo dhallinyarada si ay uga qeybqaataan horumarka dalka.

Goobjoog News