U bood dhigaalka

Gaalkacyo Oo Looga Diyaar Garoobayo Soo Dhoweynta Madaxweyne Farmaajo

Sheeko:Dalka

Guud ahaan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa ka soconaya diyaar garow ballaaran oo ku aadan sidii magaaladaasi loogu soo dhoweyn lahaa madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo oo maalmaha soo aadan halkaasi ku wajahan.

Shacabka Labada dhinac ee Gaalkacyo ayaa bilaabay iney ka shaqeeyaan nadaafadda guud ee magaaladaasi, waxaana sidoo kale la diyaarinayaa boorar lagu soo dhoweynayo madaxweynaha.

Xirsi Yuusuf Barre oo ah duqa Gaalkacyo ee Galmudug ayaa ugu baaqay shacabka Gaalkacyo xoojiyaan ka shaqeynta bilic kusoo celinta magaaladaasi.

Sidoo kale, Barre ayaa uga digey dadka hareeraha waddooyinka ku ganacsatada qashinka ay laamiga soo dhigaan, wuxuuna tilmaamay cid walbo oo nadaafad xumo ka shaqeyso in la xiri doono.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa socod ku maraya deegaanno kamid ah Puntland, waxaana la filayaa in uu soo gaaro deegaanno kale oo ka tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Goobjoog News