U bood dhigaalka

Gaalkacyo Oo Salaad Roob Doon Laga Tukaday

Sheeko:Dalka

Magaalada Gaalkacyo waxaa maanta ka dhacay isu soo bax ay sameeyeen culumada iyo shacabka magaaladaasi oo Alle lagu weydiisanayay raxmad iyo roob.

Culumada ayaa maanta bulshada uga yeeray garoonka weyn ee Cabdullaahi Ciise halkaasoo lagu oogay salaadda roob doonka ahi.

Qaar kamid ah culumada oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin abaaraha laga soo sheegayo degaannada gobolka Mudug iyo gobollada kale ee dalka.

Waxay sheegeen in Alle ay ka baryayaan in raxmaddiisa uu soo xijiyo islamarkaana roob iyo barwaaqo u soo dedejiyo.

“Dadku waa dhibaateysan yahay, Ilaahow waxaan ku weydiisanaynaa raxmaddaada, salaaddani roob doonka ah waxaan fileynaa inaad naga aqbasho oo roob inoogu bedasho aan ka hirqanno” ayay yiraahdeen qaar kamid ah culumada.

Gobolka Mudug iyo degaannada ku dhow dhow magaalada Gaalkacyo ayaa kamid ah meelaha abaaraha xooggan ay ka taagan yihiin waxaana ugu daran degaannada dhaca dhanka bariga gobolka iyo waqooyi bari.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada