U bood dhigaalka

Gaalkacyo: Qoysas Kasoo Barakacay Abaaraha Oo Gurmad Dalbaday

Sheeko:Dalka

Waxaa weli sii kordhaya dhibaatooyinka ay abaarta ka geystay deegaanno badan oo kamid ah gobolka Mudug, taas oo qoysas badan oo reer Miyi ah ay ku xoolo beeleen.

Qoysaskii ku xoolo beelay abaartan qaarkood ayaa soo gaaray magaalooyin ka tirsan gobolka Mudug, iyaga oo dalbanaya in gurmad loo fidiyo maadaama xoolihii ay dhaqan jireen ay ku waayeen abaaraha gobolkaasi ka jira.

Duqa degmada Gaalkacyo ee Galmudug, Xirsi Yuuruf Barre oo booqasho ku tagey deegaanka Xaar Xaar ee duleedka magaaladaasi ayaa kula kulmay qoysas badan oo kasoo hayaamay deegaannada abaarta ka jirta.

Mr. Barre ayaa sheegay in deegaankaasi ay ku arkeen dad badan oo noloshooda ay halis ku jirto waxaana uu ku baaqay in gurmad degdeg ah lala soo gaaro maadaama ay dhibaateysan yihiin.

“Waxaa wanaagsan inuu shaqeeyo dareenka Bini’aadamka, la isku damqado, deegaanka Xaar Xaar waa ku sugan meesha ugu badan ee ay joogaan dadka barakacayaasha ah, iyadoo barakacayaal hore halkaan ay joogeen ayaa waxaa kusoo biirey kuwo cusub oo abaartu soo barakicisey, dadka xoolihii baa dhaafay, haddii ay Bini’aadannimo jirto waxaan ugu baaqayaa dhammaan hay’adaha samofalka ah in degdeg dadkaan loo soo gaaro, shacabka Soomaaliyeedna waxaan leenahay gurmad lasoo gaara walaalihiina dhibaatada ku jira” ayuu yiri duqa Gaalkacyo.

Dhanka kale Duqa Gaalkacyo ee Galmudug Xirsi Yuusuf ayaa sheegay in deegaanka Xaar Xaar uu ka dilaacay cudurka shuban biyoodka, dadkuna ay u baahan yihiin gurmad caafimaad.

Abaarta ka jirta deegaanno badan oo dalka ah ayaa saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada, meelaha qaar dadku waxay u dhinteen abaarta, welina dadku ma aysan helin gurmadkii loo baahnaa.

Goobjoog News