U bood dhigaalka

Gaalkacyo: Tababar Loo Soo Xirey Booliiska Isku Dhafka Ee Puntland Iyo Galmudug

Sheeko:Dalka

Munaasabad ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa tababar waxaa loogu soo xirey 200 askari Booliis ah, kuwaasi oo isku dhaf ah, lagana kala keenay maamullada Puntland iyo Galmudug.

Waxaa munaasabaddan ka qeybgalay taliyaha ciidanka Puntland, taliyaha qeybta 21-aad ee xoogga dalka Soomaaliya, saraakii ciidan oo Puntland iyo Galmudug ah, xubno ka socday UNSOM iyo AMISOM iyo waxgaradka Labada dhinac.

Ciidamadan ayaa soo bandhigay gaada ka ciyaar, waxaana ay muujiyeen in hadda diyaar u yihiin iney sugaan amniga guud ee magaalada Gaalkacyo.

Mas’uuliyiintii halkaasi hadallada ka jeediyey ayaa kula dardaarmay ciidamadan iney si hufan u shaqeeyaan, shacabkana dareensiiyaan nabadda iyo kala dambeynta.

Waxay ciidamadan kaalin weyn ka qaadan doonaan sugista amniga guud ee Gaalkacyo, waxaana ay si wadajir ah uga qeybgali doonaan howlgallada lagu xasilinayo magaaladaasi.

Goobjoog News