U bood dhigaalka

Gaalkacyo: Waxgarad u Digey Maamulka Puntland

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug qaarkood ayaa uga digey maamulka Puntland iney sii wadaan howlgallada ay ciidamada maamulkaasi iyo kuwo maraykan ah ka sameeyaan Koonfurta magaaladaasi.

Nabadoon Cali Diiriye oo kamid ah waxgaradkan ayaa isaga oo la hadlay Goobjoog News, waxa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in hadda Puntland ay ku xadgudubto deegaannada maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay in Puntland laga doonayo iney ka fiirsato daandaansiga dagaal ee ay waddo, wuxuuna sheegay in dadku ku qasbanaan doonaan iney is difaacaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaan u sheegeynaa Galmudug iney joojiso daandaansiga ay waddo iyo ciidamada Maraykanka ee ay soo horkaceyso, Gaalkacyo hadda nabad ayaa ka jirta balse waxa la wado waa wax colaad laguraadinayo, dadka wey wada hubeysan yihiin, habeen walbo marka lasoo weerarayo waxay ku qasban yihiin iney is difaacaan” ayuu yiri Nabadoonka.

Ciidamada Puntland oo ay la socdaan ciidamo Maraykan ah ayaa Todobaadkan waxay koonfurta magaalada Gaalkacyokala baxeen Saddex qof oo mid haweeney tahay.

Goobjoog News