U bood dhigaalka

Gaandhi Oo Sheegay In Looga Been Abuurtay Saxiixa Mooshinka Jawaari

Sheeko:Dalka, War

Xildhibaan Maxamed Cabdi Gaandhi oo ka tirsan golaha shacabka ayaa sheegay in uusan saxiixin mooshin ka dhan ah guddoomiyaha golaha shacabka Prof Maxamed Cusmaan Jawaari.

Xildhibaanka oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in xildhibaannada wada mooshinka ay is kaga darsadeen magaciisa, isaga oo dhanka kale tilmaamay in weligiis uusan ka qeyb-galin mooshinnada

“Waxaa isoo gaartay arrin aan ku farxin, taas oo ah in magaceyga uu ku jiro dadka saxiixay mooshinka, waxaan caddeynayaa in arrintaasi aysan waxba ka jirin, tan kale ani waligey maba tagin meel mooshin lagu saxiixayo ama laga wado”.

Hadalka Xildhibaan Maxamed  Cabdi Gaandhi ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli qaar ka mid ah xildhibaannada golaha shacabka ay wadaan mooshin ka dhan ah guddoomiyaha Baarlamaanka.

Goobjoog News