U bood dhigaalka

GAAR AH: Goobjoog Oo Wareysi Dhinacyo Badan Taabanaya La Yeelatay Wasiiru Dowlaha Horumarinta Caalamiga Ah Ee Biritain

Sheeko:Dalka

Wasiiru dowlaha horumarinta caalamiga ah dalka Biritain ahna wasiirka Afrika u qaabilsan dalkaa ayaa wareeysi gaar ah uu siiyey Goobjoog faaf-faahin ka bixiyey siyaasadda Dowladda Birtain ay ku wajaheyso Soomaliya xiligan.

Rory Stewart  ayaa wareysigiisa uga hadlay dhinacyadda Ammaanka, siyaasadda iyo horumarinta iga oo si gooni ah uga warbixiyey mowqifka Ingiriiska ee kuwajahan xayiraadda Hubka ee saran Soomaaliya, wadahadalada Maamulka Soomaliland iyo Somaaliya iyo qodobo kale.

Wariyaha Goobjoog  Axmed Weli Xuseen oo wareysigan gaarka ah qaaday ayaa marka hore weydiiyey wasiir ROORI ISTIIWET ujeedka ugu weyn ee uu Soomaaliya u yimi waxa uuna ku jawaabay.

Axmed Weli Xuseen: Mudane waxaad xog inaga siisaa u jeedka safarkaaga?

Rory Stewart: Ujeedkeygu waxa uu ahaa in aan  la kulmaa dowladda Soomaaliyeed si aan u arko qaabka dowladda Ingiriiska ay u caawin karto waxaana isleeyahay in Soomaaliya ay sameysay horumar badan labadii ama saddexdii sano ee la soo dhaafay sidoo kalena waxaa jira caqabado waxaana diiradda saareyneynay qeybaha ammaanka taageeri laga geysto sidii boliiska loo tababari lahaa iyo sidoo kale masiibada bini’aaddannimo iyo ugu dambeyn horumarka waqtiga fog ee dalka.

Axmed Weli Xuseen: Dalku waxa waxa uu marayaa marxalad adag oo dhanka abaarta ah, dhowr jeerka waxaa dalka yimid masuuliyiin sar sare oo Britain ka tirsan illaa iyo hadda maxaad arrintaas ka qabateen oo la sheegi karaa?

Rory Stewart: Dowladda Ingiriiska waa deeq-bixiya ugu weyn waxaan qorsheynay ku dhawaad boqol iyo siddeetan million oo gacan looga geysanayo jawaabta laga bixinayo abaarta Soomaaliya waxaana ka mid ahay waddamadii ugu horreeyey ee aan ka daahin jawaabta abaarta maxaayeeley waxaan u aragnay inay wanaagsan tahay in lacagaha abaarta loogu talagalay in la dadejiyo haddii aan waqti dheer wax sugno dadku waa macluulayaan marka aad ayaan ugu faani karnaa jawaabta aan bixinay waana ka adkeyd abaartii 2011kii laakiin waxaan dareemeyn in jawaabta la bixiyey 2017da inay aad u wanaagsan tahay beesha caalamka aad ayey ugu degdegtay inay ka jawaabto abaarta.

Axmed Weli Xuseen: Caalamku waxa uu sameynayaa balan qaadyo isdaba jog ah waxaana lagu yaboohay maalaayiin lacag ah, mana loojeedo isbedal muuqda oo lacagtaasi wax ay ka qabatay maxaa ka qaldan deeqbixiyayaasha caalamka oo idinku aad ku jirtaan?

Rory Stewart: Waxaan isleeyahay in dowladda Ingiriiska ay ballanqaaday lacag gaareysa boqol iyo seddeedtan million lacagtaasna badankeed waa la bixiyey Soomaaliya ayaana la keenay laakiin dhibatada ugu weyn Soomaaliya ma aha hadda lacaga caalamku yabooho waa qaabkii lagu gaarsiin lahaa maxaayeeley waxaa jirta xaalad qalifsan qeybo ka mid ah dalka xaqiiqdii wey adagtahay in la gaaro qaar ka mid ah meelaha Alshabaab maamusho aad ayey u adagtahay in la tago oo raashin la geeyo marka xaqiiqdii waxa abaarta uga daray waa waddo la’aan sidoo kale ma aha waddo la’aan oo kaliya ee waxaa iyana jira dagaallo adkeynaya in raashinka la qeybiyo.

Axmed Weli Xuseen: Waxaa ka jooga Britain ciidamo dalkeenna Soomaaliya, haddaba tan iyo markii ciidamadaa Soomaliya la keenay maxaa u qabsoomay?

Rory Stewart; ciidamadeenu hawlo kala geddisan ayey qabtaan, waxay ka caawinayaan ciidamada qaranka Soomaaliyeed dhinaca tabarrada waxay la sheeyaan AMISOM waxay sidoo kale la shaqeeyaan UNka waxayna sidoo kale ka caawiyaan saadka iyo tabarrada la siiyo boliiska laakiin hawsheennu xaqiiqdii waa taageero iyo tababar.

Axmed Weli Xuseen: Soomaaliya waxa ay weydiisatay Qaramada modoobay in laga qaado xayiraadda Dhanka Hubka ah ee saran dalka idinkuna waxa aad u tihiin dowladda Soomaaliya Saaxiib dhow, sidii xayiraadaa loo qaadi lahaa gacan maka geysaneysaan?

Rory Stewart: Tani waa xannibaad iyo su’aal adag oo ay tahay inaan ka doodno dhinac marka laga fiiriyo dabcan Soomaaliya iyo ciidamadeeda qaranka waxay u baahan yihiin inay isdifaacaan waana inaan aad uga fikirnaa bixitaanka ciidamada AMISOM.

Axmed Weli Xuseen: Soomaaliya waxa ay dib- u eegin kuwada dastuur cusub oo uu dalku yeelanayo, waxaana dastuurka heysta caqabado badan oo qilaaf horseeday sida in dowladda iyo maamulada dalka kajiraahi ay isku hayaan awoodaha qaar arrintaasi walaac caalamka ma ku heysaa?

Rory Stewart: kani waa Tastuur Soomaaliyeed dadka Soomaaliyeed ayaana leh ma aha mid aniga ii taal annaga talo iyo taageero ayaan ku leenahay ee Soomaalidu nooga baahan yihiin laakiin waxaan isleeyahay dowladda Soomaaliya horumar ayey sameysay sheyga ugu muhiimsanna waa in dowladda federaalka iyo dowlad gobolleedyada ay wax isla meel dhigaan marka intaas la sameeyana Tastuurka lagu daro marka waa caddahay inay wax kasta si wanaagsan ku socdaan.

Axmed Weli Xuseen: Waxaa jiray in dhowr jeer ay wadahadalo isugu yimaadeen Soomaliya iyo maamulka Soomaliland kuwaas oo qudhiibo aad qeyb ka aheydeen sidii wadahadaladaa xal loogu qaari lahaa haddaba marxaladda manta la joogo maxaad aragti ka qabtaan arrinkaa?

Rory Stewart: waa inaan isxasuusinaa in Somaliland ay doorasho kusoo fool leedahay marka arrintani Soomaali ayey u taallaa laakiin waxay wax fududaan karaan doorashada kadib rajo fiican ayaana ka qabaa dadkana sidaas si la mid ah Soomaaliyana marka dhinac laga eego si waangsan ayey sameysay si dalka la isugu hayo marka dabcan rajo fiican ayaan ka qabaa wdahadallada.

Axmed Weli Xuseen: Wadanku waxa uu ku jiraa dib-usoo kabasho dhanka dhaqaalaha ah sanadihii ugu dambeeyey majirtaa siyaasad cad oo aad arrintaa ku taageereysaan?

Rory Stewart: aad ayaan uga qeybqaadaneynaa arrintaas su’aashuna waxay tahay nuucyada saxda ah ee maalgelinta, Soomaaliya wax badan ayey u baahan tahay, waxay u baahan tahay soo celinta kaabeyaasha dhaqaalaha waxay u baahan tahay Iskuullo waxay u baahan tahay waxbarasho waxay u baahan tahay caafimaad laakiin waxay sidoo kale u baahan tahay jawaab bini’aaddannimo oo waqtiga dhaw ah marka si loo helo dhammaan waxyaabahaan aan soo sheegay waxa ugu muhiimsan waa in la maareeyo hantida dadweynaha si loo xaqiijiyo in dowladda Soomaaliya ay hesho nidaam canshuur aruurin six al ugu hesho miisaaniyadda dalka maxaayeeley markii miisaaniyadda salka loo dhigo aad ayey ugu fududahay Ingiriiska iyo deeq-bixiyaasha kale inay gadaal ka taagnaadaan lana socdaan qorsheyaasha lagu hormarinayo Soomaaliya sababtoo ah waa inuu jiro qorshe Soomaaliya ay leedahay wax lagu horumarinayo kaasoo ay u baahan yihiin mana aha fikir ka yimid beesha caalamka.

Axmed Weli Xuseen: Shirkadaha waa weyn ee Britain laga leeyhay maadama aad tahay wasiirkii Afrika ee UK ma isleedahay waxa ay aad u daneynayaan is Soomaaliya ay yimaadan oo ay maal gashi ay ku sameystaan?

Rory Stewart: waa joogaan shirkado laakiin qaarkood weli waxay muujinayaan walaac dhinaca ammaanka ah iyo nidaamka dowladda waxaana isleeyahay waqti badan ayaan u baahannahay si loo helo maalgelin weyn oo mustaqbalka ah.

Axmed Weli Xuseen: Beesha caalamku waxa ay muujineysa cabsida ah ah in ay markale ku soo laabteen xeebaha Soomaaliya burcad badeedii oo in muddo ah laga nastay walaacaas Uk Ma qabtaa?

Rory Stewart: arrintaas walaac ayaan ka qabaa waana mid ka mid ah sababaha keenay in mar labaad ay beesha caalamku ku lug yeelato Soomaaliya laakiin kuwaani waa dhinacyo badan oo kala duwan aasaasna waxaa u ah horumarka, shaqada. waa dhismaha qaranka. in dadka mustaqbal loo sameeyo in dhammaan wax laga qabto Soomaalidana waa dad u abaabulan ganacsiga waana dad taariikh ku leh dhaqaalaha marka wax badan oo rajo ah ayaa noo muuqda taasina waa sababta keentay in dowladda Ingiriiska iyo dowladaha kaleba ay aad u daneynayaan Soomaaliya.

 

Goobjoog News