U bood dhigaalka

GAAR AH: K/galbeed Oo Gurmad Ciidan u Direysa Abuu Mansuur

Sheeko:Dalka

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ciidan badan oo gurmad ah u dirayaan deegaannada Abaal iyo Yabaal oo dagaal ku dhexmarayo ciidamada Al-shabaab iyo kuwo taabacsan Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Afhayeenka Madaxtooyada K/galbeed Nuuradiin Gacma oo la hadlay Goobjoog News, waxa uu sheegay in ay gacan siin doonaan Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Waxa uu tilmaamay in dagaallada socda ay ku gacan sareeyaan ciidamada Roobow, ka maamul ahaanna ay isku raaceen in la caawiyo ciidanka Abuu Mansuur.

Dowladda Maraykanka ayaa Bishii tagtay waxay Mukhtaar Roobow ka saartay liiska dadka la doon doonayo ee la dul dhigay lacagaha.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News