U bood dhigaalka

Gaari Ay La Socdeen Dad Shacab Ah Oo Lagu Rasaaseeyey Galgaduud

Sheeko:Amniga

Maleeshiyo hubeysan ayaa jidka u galay gaari ay la socdeen dad shacab ah, kaasi oo ka yimid sida la sheegay deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud.

Waxa ay maleeshiyadan gaariga u galeen deegaanka Dhabad, iyadoo halkaasi ay ka dhalatay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Qof goob jooge ah ayaa xaqiijiyey in halkaasi uu ku dhintey Hal qof, waxaana ku dhaawacmay Afar kale.

Gaariga oo xowli ku socday ayaa markii rasaasta lagu furay la sheegay in uu rogmaday.

Tani ayaa imaaneysa xilli gobolka Galgaduud ay ka jiraan aanooyin la xiriira dhanka qabiilka, iyadoo weli aan wax xal ah laga gaarin.

Goobjoog News