U bood dhigaalka

Gaari Lagu Soo Raray Walxaha Qarxa Oo Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay waxay magaalada Muqdisho ku qabteen gaari yar oo la sheegay in laga soo buuxiyey walxaha qarxa.

Gaarigan ayaa la dhigay meel ku dhaw Isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada markii ay ka war heleen in gaari ay saaran yihiin walxaha qarxa kadib la sheegay in ay xireen waddooyinka gala Isgoyskaasi.

Waxaa goobta gaarigan lagu qabtay gaaray ciidamada gaarga ah ee u tababaran Miinooyinka si ay u kala furaan qaraxyada gaariga saaran.

Saraakiisha dhanka amniga weli wax war ah kama aanay bixin gaarigan, hase ahaatee waxay sheegeen in saacadaha soo aadan ay warbixin rasmi ah ka bixin doonaan.

Shalay ayaa gaari walxaha qaraxa laga soo buuxiyey waxaa lagu weerara xarunta ciidanka Ilaalada wadooyinka ee magaalada Muqdisho halkaasi oo khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta uu ka dhashay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News