U bood dhigaalka

Gaari Sida Walxaha Qarxa oo Lagu Qabtay Gaalkacyo

Sheeko:Amniga

Ururka Danab ee qeybta 21aad Ciidamada Xoogga Dalka ayaa goor dhow ku qabtay magaalada Galkacyo gaari noociisu yahay Noah kaas oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa iyo ninkii waday.

Ma jiraan wali wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidanka amniga gaar ahaan kuwa ururka danab ee fadhigoodu yahay magaalada Galkacyo.

Ciidamada Amniga qaranka ee ka howl gala Gobalka Mudug ayaa mudooyinkii u danbeeyay waday howlgallo lagu adkaynayo amniga oo ay iska kaashanayeen maamullada Puntland iyo Galmudug.

Ciidamada xoogga dalka gaar ahaan kuwa qeybta 21 aad ayaa saaka waxaa sidoo kale lagu weeraray gaari lagu soo buuxiyey walxaha qarxa, fariisin ay ku lahaayeen duleedka deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah , soo gaaray ciidanka,

 Goobjoog News