U bood dhigaalka

Gaas: Aqalka sare Puntland ayaa Dhistay… Laakin Hadda Waxba Nooma Tarayo

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Cabdiweli Gaas oo talaadadii ka hadlay shir maamulkiisa ka dhacay oo looga hadlay dastuurka ayaa sheegay in federalism-ka ugu fiican Soomaaliya uu yahay midka beelaha sida Itoobiya oo kale, isaga oo intaasi raaciyay in ay xaq darro tahay in marka dowladda Soomaaliya ay wax bixineyso sida dhaqaalaha oo kale aan la fiirin baaxadda, deegaanka oo la simmo dad kun KM deggan iyo qaar 300 KM ku nool.

Dhinaca kale, Cabdiweli Gaas waxaa uu sheegay dastuur ahaan ay Puntland ku dulmantay aqalka sare, oo aanu hadda waxba u tareyn ama waxba u soo kordhin.

Madaxweyne Gaas oo arrintaasi ka hadlaya waxaa uu yiri “Aqalka sare, innaga ayaa ku dulman Puntland, sababtoo ah 2011-kii markii dastuurka la sameynayey State-ka keliya ee aqalka ku doodayey Puntland ayey aheyd, cidda kale oo markaasi jirtay Galmudugbey aheyd oo markaa aan dhameystirneyn, waxaa ay lahaayeen ma rabno federalism, oo maxaa rabtaan? Regional autonomy wax la yiraahdo, waxaan xusuustaa dooddii, lama rabin in la dhiso aqalka sare, waan dhisnay, laakin hadda waxba noola tarayo, wax hadda uu na taray, uu noo soo kordhiyay ma jirto.

Gaas waxaa uu sheegay in uu gacantiisa ku qoray dad khibrad leh si wax ugu soo dhiciyaan, laakin aaney waxba tarin “Dagaalbaan waxaa ku galnay dowlad goboleedyada sideed sideedbey leeyihiine 11-baan innagu leenahay, ma aragteen meeley jiraan, weliba waxaan niri khibrad aan geysanno, Madaxweynayaasha, PM-starradu, Cabdiraxmaan Faroolle, Cumar Cabdirashid, si khibaradooda aan uga faa’ideysanno, wax badanna ay Puntland u dhiciyaan, ma taqaaniin meel ay jiraan, miyaa ka warqabtaan? Ma heysaan?

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas waxaa uu sidoo kale ka hadlay in qaar Senatoradda ah ay ka hor yimaadeen danaha Puntland, arrintaasina kula xisaabtami doonaan “ Hadda markii ay dooddu socotay, waad dhageysaneyseen, danaha Puntland ayey qaar ka mid ah ka soo horjeedeen, Idaacadaha maka dhageysaneyseen, maka aragteen? Kuwaanu geynay weeye, anigaa gacanteyda ku qoray, kolay waa soo laaban doonaan mar kale ay iman doonnaan iyaga oo kuraas raadinaya 4 sano ka dib, laakin markii ay yimaadaan waan sheegeynaa wixii ay sameeyeen”

Goobjoog News