U bood dhigaalka

Gaas: Cafis ku eg 30 cisho ayaan u fidinay dhalinyarada ka tirsan Al-shabaab (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas)
Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas)

Madaxwaynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ku dhawaaqay cafis ku eg 30 maalmood oo uu sheegay in ay u fidiyeen dhalinyarada u dagaalama xarakada Al-Shabaab.

Gaas oo ka hadlayay dagaalkii ay shalay ciidamada Puntland kula wareegeen buuraleyda Galgala ayaa sheegay in fursadan uu maamulkiisu siiyay dhalinyarada ka tirsan xarakada Al-Shabaab.

Madaxwaynaha maamulka Puntland ayaa tilmaamay in ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ay u taaganyihiin xaqiijinta ammaanka shacabka Puntland isaga oo tilmaamay in ay mas’uuliyad ka saarantahay nabad gelyada deegaanada maamulka Puntland uu ka arimiyo.

Dagaalyahanada Al-shabaab ayaa sanado badan ku sugnaa buuraleyda Galgala halkaas oo xarun wayn u ahayd.

Hoos ka dhageyso codka Madaxwayne Gaas: