U bood dhigaalka

Gaas “Cod Iyo Qof Waxaa Qabaneynaa 2024-ka”

Sheeko:Dalka

Madaxwaynaha dowlad goboleedka Puntland DR Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo daah furay Shirweynaha Hanaanka Dimuquraadiyadda, Maamul Wanaagga iyo Horumarinta ka qayb galka Bulshada ee go’aamada Puntland kaddib kulan ballaaran oo la isugu yimid magaalada Garoowe.

Madaxweyne Gaas ayaa ka sheekeeyay taariikhda dimuqraadiyadda ee Soomaaliya, isagoo sheegay in dimuqraadiyad dhab ah ay ka jirtay Soomaaliya sanadihii u dhaxeeyay 1960-kii illaa 1969-kii.

Wuxuu soo hadal qaaday dadaallo xukuumaddiisa ay u gashay in Puntland adeegyo horumarineed laga hirgaliyo balse ay tabarta u diiday isagoo xusay in hay’adihii adduunka arrintaa dhaqaale looga waayay.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa sheegay in doorasho cod iyo qof ah haddii aysan Puntland ka qabsoomin 2019-ka ay ka qabsoomi doonto 2024-ka.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo markii madaxweyne Gaas uu ku jiray ololaha doorashada xilka uu maanta hayo dabayaaqadii sanadkii 2013-kii uu sheegay in haddii Puntland 2019-ka aynaan doorasho cod iyo qof ah ka dhicin ay la macno tahay in Cabdiwali Gaas fashilmay.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada