U bood dhigaalka

Gaas: Dekadda Garacad Ma Noqon Doonto Mid Degmo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland C/weli Cali Gaas ayaa dhagax dhigay dhismaha dekadda Garacad ee gobolka Mudug.

Kharashka ku baxaya dhismaha dekadda ayaa waxaa bixinaya Shacabka gobolka waxaana ka hadlay munaasibadda dhagax dhigga dekadda Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in Garacad ay noqon doonto dekad cid walba ka faa’ideysata isaga oo tilmaamay in ay hirgali doonto qorshaha dekadda lagu dhisayo.

Madaxweynaha waxaa uu intaas ku daray in Dekadda Garacad ay wax ka badali doonto dhaqaalaha Gobolka Mudug.

“Marka ay dhisanto Dekaddan ma noqoneyso dekad degmo Waxaa ay noqon doontaa dekad ay ka faa’ideysato geeska Afrika, dekadda ma ahan wax meel gaar ah laga leeyahay waxaa leh Soomaaliya oo dhan, dekaddan waa ay hirgali doontaa waxaa ayna qeyb weyn ka qaadan doontaa dhaqaalaha gobolka”.

Dhaqaalaha ku baxaya dekaddan ayaa waxaa lagu qiyaasay in ay ku dhowdahay 50 Milyan waxaana deegaanka Garacad ku sugan qalabka la doonayo in lagu dhiso dekadda.

Goobjoog News