U bood dhigaalka

Gaas: Doorashada Puntland Waxay u Dhici Doontaa Qof Iyo Cod

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Gaas ayaa rajo aad u wanaagsan ka muujiyey in doorashada soo socota ee maamulkiisa ay ku dhacdo qaab qof iyo cod ah, lagana gudbo nidaamkii qabiilka.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Gaas in la guda geli doono doorashooyinkii degmooyinka, sidoo kalena loo gudbi doono nidaamka xisbiyada.

Bulshada ayuu sheegay in looga baahan yahay iney doortaan baarlamaanka maamulkaasi iyo sidoo kale iney doortaan xisbiga ay doonayaa in maamulka uu hoggaamiyo wixii ka dambeeya Labada sano ee soo aadan.

“Waxaan rajeynayaa in shacabku ay doortaan cidda ay rabaan, doorashada Puntland waxay u dhici doontaa qof iyo cod, waxaan ka gudbeynaa nidaamka qabiilka ah, waxaan dooneynaa in nidaamka xisbiyada wax lagu doorto” ayuu yiri Gaas.

Maamulka Puntland ayaa sanadihii ugu dambeeyay ku guda jirey in deegaannada maamulkaasi ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, lagana gudbo doorashooyinkii ku saleysnaa qaabka qabiilka.

Goobjoog News