U bood dhigaalka

Gaas: Federaal, Daacish Iyo Al-shabaab Ayaa Nagu soo Duuley

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in dagaallada ka dhaca deegaannada maamulkaasi ay isku soo garabsadeen dowladda Federaalka, Al-shabaab, Daacish iyo maamul goboleedyo uu sheegay in aaney sharci ahayn.

Wuxuu sheegay Gaas in Puntland ay ka talineysay aayaha dalka, balse wuxuu tilmaamay in taasi bedalkeeda looga dhigey in iyaga duulaan lagu soo qaado waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Hormarka ay sameynayso Puntaland, nabad galyadeed, wanaag jaceylkeeda iyo Soomaali raadinteeda waxay u abuurtay cadow badan, ma waxaysan raali ka ahayn horumarka, Soomaalinimada iyo wadajir jaceylka, muddo ayaan sugeynay in Soomaali isku timaado, 18 sano waxaan raadineynay Soomaalinimo, wadajir iyo in qarannimada Soomaaliya dib loo helo, waan ku dadaalnay, dhiig baan ku bixinnay, dhaqaale baan ku bixinney, markii aan ciidamadii iyo dhaqaalihii Puntland Koonfur geyneynay dhib badan  baa nasoo gaarey, abaal kama aanan helin arrintaasi, dhib baa naga soo gaarey, maanta waxay mareysaa in Shabaab, Daacish, Federaalka, maamul goboleedyo aan sharci ahayn intey isbahaysteen ay Puntland kusoo duulaan” ayuu yiri Gaas.

Gaas oo hadalkiiisa sii watey ayaa yiri “Shabaabka annaga naga dhashay waxaad moodaa kuwa kale iney ka doqonsan yihiin, Puntland ayeey wax kusoo wadaan, Puntland wey tashatay, weyna isku kalsoontahay, markii cadogaagu bato cududaada ayaa la mideeyaa, annaga waxaan mashquul ku nahay doorashada, wanaagga iyo Soomaalinimo, iyagana waxay ka shaqeynayaan luggooyadeenna, waana ka fiirsaneynaa, waxa la wado haddii aan wax laga bedalin lama helayo wax la wada leeyahay iyo sida wax loo rabo”

Daacisha ayaa Arbacadii lasoo dhaafey waxay la wareegtey demada Qandala ee Gobolka Bari, iyadoo dhanka kale Puntland ay dagaal kula jirto maamulka Galmudug.

Goobjoog News