U bood dhigaalka

Gaas : Mashruucani Waxaana uu Wax weyn Katarayaa Kobcinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Dawladda Puntland’

Sheeko:Dalka

Madaxweyanaha maamul goboleedka Puntland Cabdieli Maxamed Gaas oo talaadadii hadlay ka hor afar uu ugu baxay dalka Imaaraadka Carabta si uu ugu wareejiyo maamulka iyo maareynta dekadda Boosaaso shirkadda DP World ayaa sheegay in heshiiskaasi uu wax badan ka tari doono kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha dawladda Puntland’.

Mashruucan waxaa cabdiweli Gaas ku sheegay in uu yahay casriyaynta iyo balaadhinta dekeda magaalada Boosaaso, kaas oo uu hadda marayo meelgebogebo ah.

‘’ Waxaan maanta u ambabaxayaa dalka Isutaga Imaaraadka Carabta oo aan u aadayo heshiiskii mudo soo socdey ee ahaa balaadhinta iyo casriyaynta dekeda magaalada Boosaaso, heshiis kaas oo mudo soo socdey gebagebadiisiina la marayo waxaan rajaynayaa inuu guul ku soo dhamaado, mashruucani waxaana uu wax weyn katarayaa kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha dawladda Puntland’’ ayuu yidhi Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay in mashruucani uu dan u yahay horumarinta iyo kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha dawladda Puntland, isla markaana uu wax wayn ka bedelidoono shaqooyinka dekeda xarunta ganasiga dawladda Puntland ee magaalada Boosaaso.

Goobjoog News,