U bood dhigaalka

Gaas Oo Dekadda Boosaaso 30 Sano Ku Wareejiyay P & O Ports, 336 Milyan Oo Dollar Ayaa Ku Baxeysa

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland iyo madaxa shirkadda PCFC ahna sidoo kale madaxa shirkadda kale ee DP World Suldaan Axmed Bin Suleyman ayaa maanta oo ah April 6,2017-ka magaalada Dubai ee Imaaraadka ku saxiixday heshiis ay goobjoog ka ahaayeen madaxda labada dhinac isla markaana shirkadda  P & O Ports lagu wareejiyay maamulka dekadda Boosaaso 30-ka sano ee soo socota.

Shirkadda waxaa ay dhisi doontaa dekad dheradkeedu yahay 450 Mitir iyo Hektar kale, Joogga hoosana 12 mitir la dhiso, waxaa kale oo la dayac tiri doonaa dekadda hadda jirta, waxaa intaa dheer maalgeshi  xagga IT-ga ah iyo dhismaha Terminal, wiishash casri ah iyo arrimo kale.

Lacagta Maalgelinta dekadda waa 336 Milyan oo dollar, Wejiga koowaad  200 Milyan ayaa ku bixi doonta  halka wejiga labaadna uu yahay 160 Milyan oo dollar. Dhismaha waxaa uu qaadanayaa 24 bil oo ka bilaabaneysa maalinta heshiiska la galo

Heshiiska labada dhinac waxa uu soconayaa 30 sano oo ka bilaabaneysa maalinta heshiiska la saxiixdo.

Madaxdweynaha maamulka Puntland oo goobta ka hadlay waxaa uu sheegay in heshiiskan uu wax weyn  ka tari doono hor-u-marinta kaabayaasha dhaqaale, isagoo intaa raaciyay in ay tahay guul u soo hoyatay maamulkiisa, waxaa kaloo uu sheegay in ay dhiirigelin u tahay xiriirka taariikhiga ah ee Puntland iyo Imaaraadka.

Dhankiisa Suldaan Axmed Bin Suleyman waxaa uu sheegay in shirkadooda ay qeyb ka qaadan doonto ballaarinta dekadda Boosaaso, shaqo siinta dadka deegaanka ah iyo in Puntland hesho sidoo kale dekad caalami ah oo wax ka tari doonta dhaqaalaha iyo maalgeshiga.

Suldaan Axmed Bin Suleyman waxaa uu sidoo kale madax ka yahay shirkadda DP World oo la wareegtay dekadda Berbera.

Shirkaddan P & O Ports, waxaa laga leeyahay Dubai, Imaaraadka, waxaa ay la sameeyay 2006dii, suuqa ayey ka baxday, hantideeda waxaa  kala wareegtay DP World, laakin hadda ayey dib u soo laabatay, waxaa ay shaqadeedu tahay in ay ka shaqeysiiso dekadaha yar-yar iyo kuwa dhex-dhexaadka ah halka DP World ay qaabilsan tahay dekadaha caalamiga ah ee waaweyn.

Arrinta uu madaxweynaha Puntland ku dhaqaaqay waxaa ay horseedi doontaa in maamul kasta uu sida uu doono heshiis ula galo dalal kale, arrintaas oo halis ku ah midnimada, jiritaanka, qarannimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

Baarlamaanka labadiisa aqal, xukuumadda federaalka ah iyo madaxweyne Farmaajo waxaa looga fadhiyaa in ay si dhaqso ah xal ugu keenaan maamulladan sida ay rabaan ka yeelanaya dhulka iyo masiirka umadda.

Waa Kan Heshiiskaan Oo Af-Ingiriis Ku Qoran:

pc1 bic2